Axmed Madoobe iyo xubnihii mucaaradka is bedel doonka Jubbaland oo heshiis ku saxiixday Nairobi (Akhriso)

Waxaa goor dhow magaalada Nairobi ee dalka Kenya heshiis ka kooban 7 qodob ku kala saxiixdaan Madaxweynaha Jubband iyo xubnihii mucaaradka ahaa ee la baxay Is bedel doonka Jubbaland ee kala ah C/rashiid Xidig, C/naasir Seeraar iyo Sheekh Daahir.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay, kaddib wada hadalo todobaadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Nairobi oo ay fududeysay dowladda Kenya, kaasoo ugu dambeyn labada dhinac heshiis ku gaareen.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in Golaha Is bedel doonka Jubbaland ay taageeraan doorashadii Axmed Madoobe ee dhacday bishii Agosto 2019, iyagoo u tanaasulaya danta shacabka.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in la soo dhiso Xukuumad wadaag, isla markaana la qabto shirar dib u heshiisiin, waxa kaloo qodobada ka mid ahaa in muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland ahaado sida ku cad dastuurka Jubbaland oo dhigaya in Madaxweynaha labo mar oo kaliya u tartami karo Kursiga.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa loogu baaqay inay taageeraan heshiiskan, lana soo afjaro khilaafkii soo jiitamayay ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Halkan hoose ka akhriso War murtiyeedka Heshiiska:-