Baxnaano: Ma Mucaawinadii ay Hay’aduhu bixin jireen baa mise ?

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 18-kii Abriil 2020, isaga oo daahfuraya Mashruuca Baxnaano, sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in markii ugu horeysay ay dowladda Soomaaliya kaalmeyso dadka saboolka ah, gaar ahaan xilligan adag ee uu socdo ‘cudurka safmareenka ah ee Covid-19’, ayna bilaabaneyso bisha barakeysan ee Ramadaan. Sida ku qoran Wakaaladda Wararka ee Qaranka Soomaaliya (SONNA) waxaa ka faa’iideysan doona 1.3 milyan oo kamida muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana bishiiba ku baxaysa 4 milyan oo doolar, balse kuma cadda qoraallladan muddada uu mashruucu soconayo iyo wadarta guud ee deeqda.

Intaa markii aad dhageystid oo aan akhrisid waxaad isweydiineysaa dhowr su’aalood: maxaa laga wadaa Baxnaano? Yaana maalgelinaya? Lacagtaan maa loo isticmaalo daryeel caafimaad maadaama ay taagantahay baahi degdeg ah oo la xiriirta Covid-19? Goormee la qoondeeyey lacagtaan? ma barlamaanka ayaa ansixiyey? Ma waxey qeyb ka tahay 5-tii milyan oo loogu talagalay la tacaalka Covid-19? Iyo su’aalo kale oo badan.

Halkaa marka aan marayo waxaan soo xasuustay in Madaxweynuhu uu 4 maalin ka kahor, hadda waa 13-ka Abriil 2020 uu si xog-waran ah ugu sheegay bulshada in aysan dowladdu heysan dhaqaale iyo awood caafimaad oo ay wax uga qaban karto Covid-19, oo ay tahay in dadku baryaan Alle, una hogaansamaan talooyinka caafimaad.

Kaalmo dhaqaale/ gunno ama sida ay u yaqaanaan dadka ku nool qurbaha ‘cery’ waxaa loogu talagalay dadka ceyrta ah ee aan dhaqaala ahaan isbixin karin. Waxaa aad iisoo jiitay sida ay Soomaaliya xilligaan ku bixin karto kaalmo dhaqaale oo loo fidinayo dadka saboolka ah.

Waxaan ku laabtay bogga Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya oo iyadu ‘mas’uul’ ka ah Baxnaano. Halkaa waxaa laga helay fikradda Baxnaano, in Bangiga Adduunka uu bixiyey deeqda, WFP and UNICEF ay qeyb ka yihiin fulinta mashruuca sida ku dhigan Bogga Wasaaradda.

Bil kahor inta uusan madaxweynuhu daahfurin ‘Baxnaano’, 15 Maarso 2020, ayuu Wasiir Warfa oo ay wehliyaan WFP Somalia kulamo iyo wadahadallo la xiriira siidii loo fulin lahaa Baxnaano la yeeshay Puntland, sida ku qoran bogga Twitter-ka ee wasaaradda.
Waxaa sidoo kale ku cad SONNA qeybteeda Af-Ingiriiska in IDA World Bank ay bixisay deeqda dhaqaale ee mashruucaan. Ma aqaan sababta aanan loogu xusin cidda deeqda bixineysa SONNA qeybta Af-foomaaliga iyo qeytba Af-carabiga!

Dhismaha Waaxda Arrimaha Bulshada iyo mushruuca Baxnaano:

Social protection oo ah nidaam gabbaad bulsho waa hab lagu yareynayo saameynta taban ee faqriga iyo xirmaanka oo ka dhigan in qeybo bulshada kamid ah aysan helayn xuquuqdooda asaasiga ah isla markaana aysan ula sinneyn fursada nolosha bulshada inteeda kale. Si loo yareeyo culeyska ka dhalanaya arrintaa ayaa dunida horumartay sameysatay shuruuc looga hortagayo arrintaa iyo weliba qaab lagu kaalmeynayo bulshada qeybaheeda taagta daran oo aan is bixin karin nolol ahaan.

Maadaama ay duntay dowladnimada Soomaaliya, waayihii ugu dambeeyeyna ay ku jirtay dib-u-dhis dowladnimo. Burburkii iyo dagaalladii sokeeyey iyo weliba musiibooyinka dabiiciga ahna ay sii kordhiyeen faqriga iyo in qeybo badan oo bulshada kamida aysan fursad u helin shaqo, waxbarasho carruur, adeeg caafimaad, iyo xuquuqo kale oo asaasi ah, waxaa kaalmo iyo mucaawimo bixiya hey’ado iyo dowlado. Waxaana deeqdaaas ama mucaawinadaas maareynayey WFP, UNICEF iyo hay’ado kale.

Kaalmada dhaqaale oo ay hay’adahaan bixinayaan waxaa loo bixin jiray raashin iyo agab ahaan, balse horraantii 2000 ayaa la bilaabaya in lacag ahaan loo bixiyo sida ku cad warbixin ay soo saartay UNICEF oo lagu qiimeynayo sanadihii 2011-2012.

WFP iyo UNICEF ayaa maadaama ay sanado kasoo shaqeynayeen arrimaha gargaarka ee Soomaaliya, iska kaashaday sidii Soomaaliya loogu sameyn lahaa Social Protection ‘gabbaad bulsho’.

Sanadkii 2015-ka ayaa la qayaxay nidaamka gabbaad bulsho ee Somaaliya waxaana loo dejiyey qorsho. 2016-kii waxaa Dowladda Soomaaliya loo qabtay tababarro la xiriira Social Protection theory.

2017-kii WFP iyo UNICEF ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiyey dejinta Siyadda Qaran ee ilaalinta/ gabbaadsiinta Bulshada. Dowladda talyaaniga ayaana maalgelisay barnaamijka Soomaaliya loogu dhisayo looguna dejinayo qeybta ilaalinta ama gabbaadsiinta bulshada.

Guddi ay horumood ka tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayna ku jiraan WFP, UNICEF iyo dhinacyo kale ayaa codsi dhaqaalo u gudbiyey World Bank. Deeqda oo ay maamulayaan guddigaan waxaa qeybinaya WFP oo kaashaneysa UNICEF, waxaa la isticmaali doonaa xogta ay WFP hayso, taa oo ka dhigan in WFP ay heyso liiska dadka tabarta daran.

Mashruuca uu madaxweynuhu daahfuray:

Mashruuca Baxnaano ee uu madaxeynuhu daahfuray waa mashruucaas. Waa mucaawinooyinkii ay WFP iyo ha’ado kale qeybin jireen. In lacag la bixiyo waxey soo bilaabatay 2000 oo ma aha wax cusub. WFP iyo UNICEF waxey horumood ka yihiin dhismaha waaxda ama qeybta gabbaadka bulsho ee Somaaliya ‘Social Protection Department’ oo ay maalgelineyso Dowladda Talyaaniga. Deeqdaan dhaqaale ee IDA World Bank bixisayna waxaa loo qeybin doonaa isla qaabkii loo sameyn jiray sanadadii hore, kaliya hadda waxaa guddiga mashruuca shir-guddoominaya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Mid kamid ah xayeysiinta mashruuca Baxnaano ‘SNHCP’ waxaa ku qoran sidaan: [WFP manages the entire SNHCP business cycle using the SCOPE platform and coordinates activities of NGOs, cooperating Partners and Payment Agencies in the field ….].

Sidaa darteed waxey ku wanaagsaneyd in Dowladda Soomaaliya ay munaasabadda daah-furka ugu mahadceliso dhammaan hey’adaha iyo dowladaha kala shaqeynaya dhismaha iyo horumarinta qeybta arrimaha bulshada, in ay u mahadceliso deeq-bixiyayaasha, dadkeedana ay u sheegto sida ay wax yihiin. Sax ma aheyn sawirka la bixiyey ee ahaa in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso kaalmo dhaqaale, mana mudno bulshada Soomaaliyeed in la marin-habaabiyo. Sidaan ayaa ku qoran bogga SONNA:

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Dhinaca kale waxaa sumcad xumo ku ah Soomaaliya in madaxdeedu sheegato natiijada iyo miraha shaqo soo socotay muddo dheer oo ay qeyb iyo deeq-bixiyayaal ka yihiin hay’ado calami ah iyo waddamo.

Waxa la bixinayo ma aha kaalmo dhaqaale ama gunno ka timid canshuur Soomaaliyeed iwm.

Waxaa laga yaabaa in arrintani tahay sababta ku kaliftay UNICEF in ay qoraan annagana waxaan ku faraxsanahay in aan qeyb kanahay oo aan kaalmeyney mashruucaan, oo ay iyagu is-sheegaan maadaama aan la xusin.

Waxaa sidoo kale ka falceliyey arrintan Bangiga Adduunka. Madaxa ama agaasimaha Baniga Adduunka u qaabilsan dhowr waddan oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa bartiisa Twitterka ku qoray sidan: Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa daahfurka mashruuca uu maalgeliyey Bangiga Adduunka ee ‘Shock Response Safety Net for Human Capital Project – SNHCP’.

Gunaanad:

Ugu dambeyn, Baxnaano ama macaawino waxaad ugu yeertidba waa mucaawinadii adduunku siinayeen Soomaaliya gaar ahaan mararka ay jiraan musiibooyin dabicii ah sida abaaraha. Dowladda Soomaaliya waxaa laga caawinayaa dhismaha dowladnimada. Dowladnimadana waxaa qeyb ka ah jiritaanka nidaam daryeelka bulsho, sidaa darteed ayaa loo tabarayaa Dowladda Soomaaliya, laga caawinayaa dejinta siyaasadaha iyo qorshooyinka daryeelka bulsho, ayna uga qeybqaadaneysaa maareynta mashruucan.

Waxaa diyaariyay:- Abdullahi A. Sheikh Ali