Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Golihiisa Wasiirada (Axmed Fiqi iyo Saabir oo ka mid ah)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhow magacaabay Gole Wasiiro ka kooban 23 xubnood, kaasoo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo sugayay, waxaana Wasiirada ku jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno horay xilal u soo qabtay.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay Wasiirka Amniga dowlada Goboleedka Galmudug, iyadoo Xildhibaan Fiqi ka mid ahaa Xildhibaannadii mucaaradka ee si weyn uga soo horjeeday doorashadii Axmed Qoorqoor, balse markii dambe ay tanaasul u muujiyeen, dib u heshiisiin la galeen.

Sidoo kale Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo isna loo magacaabay Wasiirka Dekedaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaana uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee mucaaradka ahaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta u soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halkan hoose ka akhriso:-