NISA oo Xeer Ilaalinta Qaranka u gudbisay baarista gal dacwadeedka Harun Macruuf

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u gudbisay baarista gal dacwadeedka ka dhanka ah Wariye Harun Macruuf.

Qoraal la soo dhitay barta Twitterka NISA ayaa lagu sheegay in NISA gudbisay gungaarka baarista gal dacwadeedka Harun Macruuf si uu uga guto tallaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.

NISA ayaa 2-dii bishan April qoraal ay barteeda Twitterka ku soo daabacday waxay ku eedeysay Harun Macruuf inuu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniha Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.

Hase ahaatee qoraalkaas eedeynta ayay NISA kala kulantay dhaleeceyn badan qaabka ay u wajahday eedeyntaas.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan ayaa noqoneysa markii u horeysay ee Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ay soo eedeyso dacwadna ka furto Wariye caan ah oo ka shaqeeyay Idaacad Caalami ah oo aan dalka ka howlgelin.