Rugta Ganacsiga oo maanta daah furtay Barnaamij loogu magac daray Afuri Walaal

Barnaamijkan oo loogu Magac daray Afuri Walaal waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo Dadka Nugul ee ku nool Magaalada Muqdisho,madaama ay soo dhawdahay Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kulankan lagaga dhawaaqayay Afuri Wallaalka waxaa soo qaban qaabiyay Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyadoo Culimada Waa weyn iyo Ganacsatada Gobalka ay shirkan Fadhiyeen.

Muhiimadda loo qabanayo Barnaamijka Afuri walaalka waxaa looga gol leeyahay in lagu caawiyo dadka ay saameynta lixaadka leh ku yeelatay Bandowga ay dowladda soo rogtay,iyada oo la eegayo dhibaatada cudurka covid19.

Culimada iyo Ganacsatada ka qeybgalayay kulankan waxay aad usoo dhaweeyeen qorshaha lagu Caawinayo dadka nugul ee ku nool Muqdisho.

Ugu dambeyn Eng Cabdikariin Maxamuud Cali Gabeyre Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa sheegay faah faahin ka bixiyay sida ay shirkadaha iyo Ganacsatada uga qeybqaadanayaan Caawinta Dadka Fuqurada ah ee ku nool dalka, isagoo tilmaamay in barnaamijkan uu ku baxayo lacag gaareysa 550,000 oo dollar