Taliyaha Booliska oo sheegay in la xiray askari caawa dad ku dilay degmada Boondheere

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in la xiray askari caawa labo qof ku dilay degmada Boondheere waqtigii uu bilaabanayay Bandowga Muqdisho.

Taliye Xijaar ayaa hadalkan ka sheegay Shirka Guddiga Ka hortagga Cudurka Coronavirus COVID-19, waxaana uu sheegay in cadaalada la marsiin doono.

Abaarihii 7-da fiidnimo oo aheyd xilligii uu bilaabanayay bandowga dowladda ku soo rogtay Muqdisho ayaa askari ka tirsan Saldhiga Booliska degmada Boondheere waxaa uu labo qof ku dilay agagaarka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Askariga dilka geystay iyo wiil dhalinyaro ah oo gurigiisa hor fadhiyay ayaa waxaa dhex maray muran, waxaana askariga la sheegay inuu wiilka ku amray inuu xaroodo, balse uu ka dhega adeegay, waxaana markaas kaddib uu ku furay rasaas, taasoo uu goobta ugu geeriyooday, sidoo kale rasaastii ka baxday ayaa waxay haleeshay gabar umul aheyd oo guriga ku jirtay oo iyana dhaawaca u dhimatay.

Dilka labadaas qof ayaa waxaa ka dhashay banaan bax rabshado watay, waxaana dadweyne careysan ay taayaro ku gubeen inta u dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo Dugsiga Bartamaha.