Wasaaradda Diinta oo soo saartay amar ah in salaadaha cishaha iyo taraawiixda lagu dukado guryaha

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ah in salaadaha cishaha iyo taraawiixda in lagu dukado guryaha, xilli uu caawa ka dhaqan galay magaalada Muqdisho bandow ay dowladdu soo rogtay oo bilaabanaya 7-da Fiidnimo.

Kulan ay isugu yimaadeen Wasaaradda iyo Qaar ka mid ah Culimada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in loo hoggaansamo bandowda dowladda soo rogtay 7-da fiidnimo, isla markaana salaadaha cishaha iyo taraawiixda lagu dukado guryaha.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay Bandow ka soo horeeya Xilliyadda Salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda.

“Cudurkaan markii hore haddii shaki nooga jiray maanta waxuu maraa 300 dad ka badan marka taas taxadarkeeda hala muujiyo”ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.

Dad badan ayaa ku tilmaamay go’aanka dowladdu ku soo rogtay Bandowga bilaabanaya 7-da Fiidnimo inuu yahay mid aan laga fiirsan oo ay jiri karaan saameyn ay ku yeelaneyso dadka reer Muqdisho, gaar ahaan dadka u afur doonaya meelo kale iyo dadka aadi lahaa salaadaha cishaha iyo taraawiixda.