Axmed Fiqi “Ma jiraan wax iska kay bedelay ee kaliya waxa igu soo kordhay xil kale”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aankii uu ku doortay ka mid noqoshada Maamulka Galmudug, kaddib markii loo magacaabay xilka Wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in aanay jirin wax iska bedelay, balse uu xil kale u soo kordhay, carro-gedisasho cusub iyo aaggii uu ka howl geli jiray oo is bedelay.

Waxaa uu sheegay in mabaa’diida iyo qiyamka qof aaminsan yahay aanay aheyn wax guur guura, ama is bed-bedela is bedelka cimilada, deegaanka iyo xilka.

“Walaalayaal Muqdisho haddii laga shaqeeyo iyo haddii laga hawlgalo Galmudug labaduda waa dhulka JFS waana laba deegaan oo aan midna ku dhashay midna ku koray waxna ku bartay iguna wada weyn, labada heer maamul ee Federaalka iyo dawlad goboleedkana midna waa deegaan doorashadaydii, midna waa xarunta qaranka Soomaaliiya oo goobtayda shaqada ahayd, labada heerba inaan isku qeybiyo kana shaqeeyo waa waajib i saaran oo aan sina iiga hareyn.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka Xildhibaan Fiqi:-