Senator Maxamed Amiin “Waa arrin aad looga xumaado in Boolisku dilaan dad xaafadahooda jooga”

Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cambaareeyay dilkii xalay askari ka tirsan ciidanka Booliska u geystay labo qof oo shacab ah.

Maxamed Amiin ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamada Booliska ay dileen dad shacab ah oo xaafadahooda jooga, halkii ay aheyd mas’uuliyadooda inay ilaaliyaan nafta iyo maalka muwaadinka.

“Waxaan cambaareynayaa falkii dadkii shacabka ahaa ee iyaga oo xaafadahooda jooga ay dileen Ciidamada Booliska, oo ay ahayd mas’uuliyadooda in ay ilaalinta nafta iyo maalka Muwaadinka Soomaaliyeed”ayuu yiri Senator Amiin oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Golaha Aqalka Sare.

Senator Amiin ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan askariga dilka geystay lagu horkeeno sharciga, si looga abaal mariyo falka naxariis darada ah ee uu geystay.

Xalay ayay aheyd markii askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu degmada Boondheere ku dilay labo qof oo wiil iyo gabar ah, xilligii bandowga, waxaana dilkaas ka dhashay banaan bax rabshado wata oo taayaro lagu gubay.