C/naasir Geelle oo loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta Galmudug

C/naasir Geelle Cilmi oo ahaa Guddoomiyihii Guddigada Farsamada Maamul Dhisida Galmudug ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka Galmudug.

Xilkan ayaa ahaa mid lagu muransanaa maalmihii la soo dhaafay, waxaana isku hayay dhinacyo kala duwan oo daneynayay xilkan oo isugu jiray Xildhibaano, Ganacsato iyo rag kale oo ku dhowaa Madaxda dowladda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu dambeyn go’aansaday in C/naasir Geelle u magacaabo xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, taasoo meesha ka saartay cadaadisyadii uu kala kulmayay xubno ku dhow xafiisyada sare ee dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne Qooqoor ayaa u magacaabay xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Galmudug Maxamed Cabdi Maxamed, waxaana saan uu Madaxweynuhu ku soo dhameystiray Golihii Wasiirada oo hada ku tiro noqday Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Waxaa la filayaa inuu dhowaan soo magacaabo xilalka Wasiir kuxigeenada iyo wasiir dowlayaasha dowlad goboleedka Galmudug.