Dad shacab ah oo ku geeriyooday hoobiyeyaal ku soo dhacay xaafad ka tirsan Wadajir

Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa saaka ku soo dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir, waxaana ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa ku soo waramaya in Hoobiyeyaashan oo Al-Shabaab ku weerareen Xarunta Xalane ee saldhigga u ah Ciidanka AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye.

Wararka ayaa sheegaya in madfac uu ku dhacay guri ku dhow xarunta Xalane, waxaana ku dhintay afar qof oo isku qoys ah, sidoo kale madfac kale ayaa iyana ku dhacay xero Geella lagu xareeyo oo ku taal Xaafada Tarabuush ee demada Wadajir, halkaasoo iyana islaan da’ aheyd ku geeriyootay, oo lagu magacaabi jiray Nuuro Maxamed Cosobow.

Sidoo kale xerada geellka lagu xanaaneeyo ee madfaca hoobiyaha ku dhacay ayaa la sheegay in dhowr geella ku dhinteen, kuwaasoo qaarkood la lisayay xilliga hoobiyaha soo dhacayay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda madaafiicda hoobiyeyaasha, iyagoo sheegay inay beegsadeen xerada ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ku sugan yihiin.

Waa weerarkii labaad oo madaafiic hoobiyeyaal ah oo bishan gudaheed Al-Shabaab ku weerarto Xerada Xalane.