Ra’iisul Wasaaraha Britain oo shaqada ku laabanaya, kaddib markii uu ka bogsaday Corona

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Isniinta soo socota ku laabanaya shaqadiisa, sida uu shaaciyay Xafiiska Downing Street, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha ka soo bogsaday cudurka Coronavirus.

Boris Johnson ayaa labo todobaad ka hor ka baxay isbitaal ku yaalla magaalada London, halkaasoo lagula tacaalayay xaaladiisa, isagoo ku jiray qeybta degdega.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku bogsanayay hoygiisa rasmiga waxaa uu taleefanka kula hadlay Boqorada Queen Elazabeth, Golihiisa Wasiirada iyo Madaxweynaha Mareykanka Trump.

Mr Johnson ayaa marka uu si rasmi ah shaqada ugu soo laabto la filayaa inuu ka hadlo xaaladaha guud ee dalkiisa iyo tallaabooyinka loogu qaaday in laga hortago cudurkaas, waxaana muddo bil ka badan xayiraad saaran dhammaan guud ahaan Britain.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee dalalka ugu waa weyn ee quwadaha leh oo uu soo rito cudurka Coronavirus.

Britain ayaa waxaa u geeriyooday cudurkan in ka badan 20,000 oo qof, waxaana uu ka mid noqday shanta dal ee ugu dhimashada badan caalamka.