Sawirro: Turkiga oo muwaadiniintiisa ka daad-gureeyay magaalada Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka daad-gureeyay muwaadiniintiisa, kaddib amar ka soo baxay Madaxweynaha Turkiga oo dib loogu celinayay dalkooda dhammaan muwaadiniinta Turkiga ee Muqdisho joogay.

Muwaadiniintan ayaa isugu jiray shaqaale caafimaad, howlwadeeno dhanka dhismayaasha, macallimiin, Saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin ka howlgalayay Safaaradda Turkiga ku leeyahay Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airlines oo xalay timid magaalada Muqdisho ayaa illaa 101 Muwaadiniin Turki ah lagu qaaday, waxaana safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku shaacisay bartiisa twitter-ka sawirada muwaadiniinta la daad-gureynayay.

Xaalada Coronavirus ee adduunka oo dhan saameysay ayaa sabab u aheyd in muwaadiniinta Turkiga ee ku sugnaa Muqdisho in dib loogu celiyo dalkooda, si xaaladooda caafimaad looga fikiro.