Ciyaaryahankii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaliya oo u geeriyooday COVID-19

Ciyaaryahankii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaluya Baana Cabdalla Cali ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo muddooyinkii la soo dhaafay la xanuunsanayay cudurka saf marka ah ee COVID-19.

Baana Cali ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada London, halkaasoo uu ku jiray ku dhowaad muddo bil ah, oo lagula tacaalayay xanuunka Coronavirus.

Allaha u naxariistee Baana Cali ayaa ahaa Madaxii Suuqgeynta Xiriirka Kubadda Koleyga ee Bariga iyo Bartamaha Yurub.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Baana Cali.

“Aniga oo ku hadlayo magaceyga iyo kan dowladda Soomaaliya waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeynayaa geeriddii naxdinta laheyd ee ku timid halyeeygaasi qaran,si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay. Allaha ha ugu deeqo mid ka mid jannooyinkiisa, kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo. Aamiin Aamiin”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ciyaartoyda Soomaaliyeed, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa si aad ah uga hadleen geerida laacibkii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaliya Baana Cali Cabdala.