Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Qardha oo daadad ku fatahay

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, halkaasoo xalay daadad ku fatahay oo ka dhashay roobab ka da’ay magaalada, kaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Madaxweyne Deni oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Garowe, ayaa socdaalkiisa ahaa mid gurmad ah iyo u kuur gelid khasaaraha ay sababeen daadadkaas.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa ahaa mid xaaladaha guud ee magaalada ku qiimeynayay, isagoo tagay goob walba oo ay saameeyeen daadadka.

Illaa lix ruux ayaa ku dhintay daadadkaas, waxaa ku baaba’ay hanti kala duwan, sida gaadiid, dhismayaal iyo goobo ganacsi.