Senator Amiin “Waxa ka socda Hey’adda NISA waa xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah”

Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Aqalka sare ayaa sheegay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka uu ka socdo xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu Senator Maxamed Amiin ku sheegay in tan iyo markii Hoggaanka NISA uu qabtay Fahad Yaasiin ay xadgudubyadaas bilowdeen.

“Waxaan dhowaanahan soo baxayay xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah, oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka qaarkood, gaar ahaan Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA xilliyadaan dambe, gaar ahaan markii uu qabtay hoggaanka hay’addaasi Fahad Yaasiin” ayuu yiri Senator MaxamedAmiin.

Waxaa uu xusay in markii hore jiritaanka Hey’adda Nabadsugida asal ahaan aan lagu dhisin sifo sharci  ah, baarlamaan ansixiyayna aanu jirin markii la aas aasayt xilligii dowladdii Milateriga aheyd.

Senatarka Maxamed Amiin ayaa sheegay in falalka isugu jira ruqseynta, shaqo ka eryida aan loo marin sifo sharci ah,  sidoo kalena qorista ciidanka dharcadka laga qaadanayay dad gaar ah, lagana ilaalinayo kuwa kale, taasoo abuuri karta buu yiri Mustaqbalka caqabado waa weyn.

“Waxaa ka digeynaa ku tagri falka awooddeed ha ahaado caga jugleyn ama ruqseyn saraakiisha loo arkay inay la jaan qaadi waayeen aragtiyada qaar guracan ee madaxdooda”ayuu yiri.

Ugu dambeyn Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in wixii cawaaqib xumo ee arrimahan ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan dadka sida tooska ah mas’uulka uga ah hey’adda iyo Madaxweynaha dalka oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida.