Al-Shabaab oo toogasho ku dilay rag ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala shaqeeyeen duqeymaha

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ku toogtay saddex nin oo ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala shaqeeyeen duqeymo lala beegsaday Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sida qoreen Warbaahinta taageerta Al-Shabaab saddexda nin ee la toogtay ayaa labo ka mid ah ay ahaayeen dhalinyaro iyo nin Oday ahaa.

Lama sheegin duqeymaha ay ka shaqeeyeen raggan shaqsiyaadka lagu dilay, iyadoo inta badan duqeymaha Mareykanka ahaa mid aad u kordhayay bilihii u dambeeyay.

Ragga la toogtay ayaa la toogtay ayaa magacyadooda ay kala yihiin:-

1- Axmed Nuurow Maxamed Xero oo 23 jir ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka iyo Maamulka Koofur Galbeed.

2- Bashiir Maxamuud Dhagool oo 22 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka la beegsadeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

3- Bishaar Axmed Cabdulle Hoolow oo 50 jir ah oo la shaqeynayay diyaaradaha duqeymaha fuliya ee Mareykanka iyo Maamulka Hirshabeelle.

Ma ahan markii u horeysay oo Al-Shabaab ay toogasho ku fuliyaan rag ay ku eedeeyeen inay la shaqeeyaan Sirdoonada dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeye, waxaana inta badan dadka la eedeeyo xukunka ku fulisa Maxkamad gaar ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab.