Madasha Xisbiyada oo dib u dhigay shirweynihii halka Xisbi ku midoobi lahaayeen (Akhriso)

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dib u dhigay Shir ay isugu imaan lahaayeen oo ujeedkiisa ahaa in Hal xisbi ku midoobaan, kaddib markii Madasha ku heshiisay inay hal xisbi ku midoobaan.

War murtiyeed Madasha soo saartay ayaa lagu sheegay in duruufaha la xiriira cudurka COVID19 dartiis dib loogu dhigay Shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir ay ku yeesheen horaantii bishii Maarso magaalada Istanbul waxay isku afgarteen inay hal xisbi ku midoobaan, isla markaana la magacaabay Guddi Farsamo oo ka kooban 6 xubnood, kuwaasoo muddo 45 cisho ku soo diyaariya ka gun gaarida shirkaas.

Hase ahaatee go’aanka Madasha ay dib ugu dhigeen shirkooda sababo la xiriida COVID-19 ayaa loo arkaa mid fursad u ah dowladda Federaalka inay iyana mar marsiiyo uga dhigato in doorashada soo socota dib loo dhigo arrimaha Cudurka Coronavirus dartood.