Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo laga sameeyay howlo looga buufinayo Covid19

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Howlo buufin ah oo looga hor tagayo Caabuqa COVID19 ka sameeyay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray howsha buufinta ee ay wadeen holwadeenada waaxda caafimaadka iyo gurmadka degdega ee dowladda Hoose.

Qorshaha buufinta Caasimadda ayaa ah ka hortagga COVID-19, si meesha looga saaro jermiska faafiya cudurkan, waxaana meelaha la buufinayay ka mid ahaa dhismayaasha ganacsi ee suuqa, goobaha la fariisto, albaabada laga galo iyo waddooyinka hareerihiisa.

Howlaha buufinta ayaa habeen walba ka socota goobo kala duwan oo ka mid ah magaalada, waxaana ololaha buufinta magaalada todobaadkii hore daah-furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir