Wakiilkii hore Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga oo geeriyooday

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha sharciga dalka Tanzania Augustine Mahiga ayaa saaka ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Dodoma, sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Tanzania.

Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa sheegay in Mahiga uu xanuunsanayay, markii isbitaalka la geeyay uu geeriyooday.

Si dhab ah looma oga xanuunka uu u dhintay, balse dowladda ayaa ku gaabsatay oo kaliya inuu xanuunsanaa

Augustine Mahiga ayaa soo noqday Wakiilkii hoee ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya iyo Ergeyga Joogtada ee Qaramada Midoobey ee Tanzania.

Mahiga ayaa lagu xusuustaa inuu hal adkaa xilligii uu ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey, dhowr jeer waxay isku dhaceen Madaxdii dalka soo martay, dad kala duwan ayaa ku eedeeyay siyaasadiisa ku wajahneyd cadaadiska uu saari jiray Madaxda dalka.

Mr Mahiga ayaa muddo soo ahaa siyaasi rug cadaa ah, sanadkii 2015 ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, illaa sanadkii hore ayuu xilkaas hayay.

Waa Xildhibaankii 3aad oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Tanzania oo muddo labo todobaad gudahood geeriyooda.