Dowladda Soomaaliya oo gargaar gurmad ah gaarsiisay Baardheere

Wasiirka gargaarka, wasiir kuxigeenka Batroolka iyo howl wadeenna ka socda wasaaradda Tamarta iyo biyaha ayaa gargaar gaarsiiyay magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo kamid ah deegaanada ay fatahaaduhu dhibaatada ka geysteen.

Wasiirrada iyo Engineer ka socday wasaaradda biyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaannada uu wabiga Jubba ku fatahay iyo meelaha uu wabigu biyaha ka keenay si loogu diyaar garoobo xiridda meelaha uu Wabigu ka fatahayo.

Maamulka Baardheere ee gobalka Gedo ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay gargaarka loogu gurmanayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasiirrada ka socda xukuumadda ayaa shacabka ku nool Baardheere u ballan qaaday in dowladdu ay sii wadeyso gurmadka lagu samata bixinayo inta xaaladdu sideedii hore kusoo laabaneyso.