Wasaaradda Caafimaadka oo ka jawaabtay hadalkii Wasiir Maareeye, kuna tilmaamtay…

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid C/llaahi ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in qof kasta oo geeriyooda ay dowladda u aqoonsan tahay inuu u dhintay Coronavirus uu yahay mid aan xaqiiqo aheyn.

Waxaa uu sheegay in warbixinadii Wasaaradda Caafimaadka ka soo baxay uu ahaa mid cilmi ku dhisan oo ku yimid baaritaan ay sameysay wasaaraddu.

“Anagu warbixinadii aan baahinay waxay ahaayeen kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan”ayuu yiri wasiir kuxigeenka Caafimaadka Maxamed Saciid C/llaahi.

Hadalkii ka soo yeeray Wasiir Maareeye ayaa dood badan dhaliyay, waxaana uu shaki geliyay warbixinada dowladda ka soo saarto arrimaha COVID-19 uu yahay mid dadka shaki gelinaya, isla markaana warbixinada dowladda ay noqon karto mid shacabka aysan kalsooni badan ku qabi karin, maadaama dowladdu ay kala hadleyso.