Akhriso: Farriinta Madaxweynaha ee Munaasabadda Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa farriin ku saabsan maalinta caalamiga ee Xoriyadda Saxaafadda soo saaray, isagoo ugu hambalyeeyay saxaafadda Soomaaliya doorkooda ku aadan inay sawir muhiim ka bixiyaan dib u qaabeynta dalka.

Halkan hoose ka akhriso:-

Xubnaha sharafta leh ee Bahda Warbaahinta

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Warbaahinta awgeed, waxaan bahda saxaafadda la qaybsanayaa xuska maalintan.

Munaasabaddan weyn waxaan uga faa’idaysanayaa inaan xuso shaqada tayadeedu sarreyso ee aad haysaan taasi oo door muhiim ah ka ciyaarta dib u qaabaynta sawirka laga haysto dalkeenna.

Waanu ku faannaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo kuwa dibadda ka hawlgala, dadaalkooda joogtada ah awgiis ayayna innoogu suurtagashay inaan qaabayno mustaqbalka qarankeenna.

Weriyayaashu safka hore ayay kaga jireen wax ka qabashada dhammaan masiibooyinka dalkeenna ka dhacay oo ay ka mid tahay tan hadda taagan ee Cudurka Karoona (COVID-19).

Warbaahintu waxay lagama-maarmaan u tahay dowlad wanaagga, waddaniyadda, dib u dhiska qaran iyo midnimada.

Waxaadna ogaataan in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta.

Dowladdu uma dulqaadan doonto meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, waxayna sii wadi doontaa dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta, iyada oo laga fogaanayo dhammaan noocyada kala duwan ee tacaddi ee ka dhan ah warbaahinta kuwaasi oo ku salaysan aragtidooda siyaasadeed.

Aynu sii wadno u adeegista dalkeenna, maxaa yeelay xirfaddan sharafta leh waxay muhiim u tahay barwaaqo-sooranka dalkeenna.