Daahir Geelle “Dalku waxa uu astaahilaa hoggaan wanaagsan oo rumeysan xorriyadda saxaafadda iyo hadalka”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay xaaladda ay ku shaqeeyaan Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan heerka ay taagantahay xoriyadda saxaafadda madaxa bannaan iyo cabirka afkaarta ee xilligan ka jirta gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in maanta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dareemaan in hoos u dhac uu ku yimid Xoriyadda hadalka.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda dhexe Soomaaliya in ay ilaaliso Xoriyadda hadalka si ay u dareemaan muwaadiniinta Soomaaliyeed cabsi la,aan.

“Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda, Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxa uu xaq u leeyahay in uu dareemo ceeb iyo yaxyax ku aaddan xaaladda sii xumaaneysa ee dhinacyada xuquuqul insaanka, xaaladda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka ee dalkeenna ka jirta waayadan” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Dalku waxa uu astaahilaa hoggaan wanaagsan oo rumeysan xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, dhowraya xuquuqul insaanka, dalkana ku maamula si dimuqraadi ah”

Sanadkii tegay ee 2019 waxa uu u ahaa warbaahinta iyo warfidiyeenada Soomaaliyeed mid cabsi badan, waxaa weeraro bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi, 53 xabsiga ayaa loo taxaabay, 2 suxufi waa la dilay, 12 suxufina dalka ayay ka carareen kadib hanjabaado dil ah ay ku beegsadeen jilayaal kala duwan, waxaa la xiray 7 xarumo warbaahineed, in ka badan 15 goorna waxaa hor istaag lagu sameeyey xaqa helista xogta iyo sharciga saxaafadda oo aan u daneyneyn saxaafadda Sidda lagu xusay Warbixin kasoo baxday Ururada u dooda xuquuqda Warbaahinta Soomaaliya.