Ra’iisul Wasaaraha oo labo arrin faray inay diirada saaraan Guddiga ka hortagga COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee kahor tagga covid19,kaas oo habeen walba la qabto.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo Gurmadka deegaannada ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xubnaha Guddiga oo u badan Golihiisa Wasiirada ayaa ku amray in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wajaheysaa xaalado adag oo ka dhashay Cudurka Coronavirus oo Soomaaliya kiisas badan laga helay iyo fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka Magaalooyinka,Khardho, Baardheere iyo Magaalooyin kale.