Amiirka Qatar oo ku amray in si deg deg ah Soomaaliya loogu diro gargaar Caafimaad

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah Soomaaliya loogu diro gargaar caafimaad, si wax looga qabto ka hortagga cudurka Covid-19.

Sida ay qortay Wakaalada wararka ee dalka Qatar Amiirka ayaa amray in si degdeg ah loo dabaulo gurmad caafimaad oo loo diro Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Qatar ka qeyb qaadaneyso dadaalada Soomaaliya uga hortageyso covid-19.

Diyaarad sida qalabkaas ayaa lagu wadaa inay soo caga-dhigato magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay ku hakato magaalada Hargeysa, si ay qeyb ka mid ah agabka caafimaad uga dejiso.

Tan iyo markii uu bilowday cudurka Coronavirus ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala duwan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah, ha yeesheee Dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda ayaa weli u soo gurman.