Faah faahin ka soo baxaya diyaarad ku burburtay Garoonka diyaaradaha Bardaale

Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in diyaaradda African  Express oo ka soo duushay magaalda Baydbabo ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Badaarle.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan ayaa siday qalab caafimaad, waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaabka ay ku dhacday.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in diyaarada lagu dhiftay qoriga Sabanka loo yaqaan ama RPG, sidaas ay ku soo dhacday.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka diyaaradaha Bardaale ay soo rideen.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay diyaaradda sidoo kale labo shaqaale oo duuliyeyaasha ayaa ku dhimatay.

La soco wixii warar ku soo kordho.