Wariye ka shaqeynayay mid ka mid ah Telefishinada oo Toorey lagu dilay

Wariye Saciid Yuusuv Cali oo ka tirsanaa Telefishinka Kalsan TV ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday toorey ama Mindi.

Sida wararku sheegayaan wariyahan ayaa lagu dilay bannaanka dukaan ku yaala Xaafada Sey Biyaano oo gurigiisa u dhowaa, waxaana la sheegay in ninka tooreyda watay uu afar meel mindida ka geliyay, goobta ayuuna ku geeriyooday, waxaana meydkiisa loo qaaday isbitaalka.

Allaha u naxariistee Saciid ayaa Isniintii maanta warbixin ka diyaariyay daayay Macalin Iskuul oo lagu dilay degmada Afgooye, waxaana goobtiisa shaqo uu ka baxay 2-dii duhurnimo oo uu hoygiisa ku laabtay

Saciid Yuusuf Cali ayaa da’diisa aheyd sodon jir, waxaa uu ka tagay labo carruur ah iyo xaas

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in gacan ku dhiiglihii dilay Wariyaha gacanta lagu dhigay, kuna xiran yahay Xarunta dambi baarista ee CID.

Ururada saxaafadda ayaa si kulul u cambaareeyay dilkan, waxaana ay u tacsiyadeeyeen dhammaan saaxibadiisa iyo ehelkiisa, waxaana dilka Wariyahan ku soo aaday maalin kaddib munaasabadda Maalinta Xoriyadda Saxaafadda.