Ciidamada dowladda oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen Qoryooley

Faah faahin ayaa laga helayaa dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen saldhigga Ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin degmadaas.

Sida dadka deegaanka u sheegeen idaacadaha maxaliga dagaalka ayaa socday in ka badan saacad, waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hub culus, inkastoo xilli habeen aheyd si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab soo qaadeen, isla markaana ku guuldareysteen inay hal tallaab u soo jirsadaan goobihii ay soo weerareen.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay adeegsadeen madaafiic, intii uu dagaalka socday, isla markaana madaafiicda ku dhaceen duleedyada magaalada goobaha Al-Shabaab weerarka ka soo qaadeen.

Xaalada Qoryooley ayaa saaka ah mid degan, waxaana caadi u socda howl maalmeedka dadka caadiga ah, iyadoo dadku is weydiinayeen dagaalkii xalay dhacay oo intiisa badan magaalada afaafkeeda uu ka socday.