Sawirro: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo u kuur galayay xaaladaha guud ee amni iyo sida uu u hirgalay bandowga.

Kormeerka Guddoomiyaha ayaa ka bilowday degmada Wadajir, halkaasoo qeybo ka mid ah uu ka socday olole nadaafadeed, waxaana Guddoomiyaha su’aalo weydiiyay sida howsha u socoto mas’uuliyiinta maamulka.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa tagay goob ay dhalinyaro ku caweynayeen, kuna ciyaarayeen, isagoo ka wareystay xaalada deegaanka, waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada kala hadleen bandowga.

Waxaa uu u sheegay Guddoomiyaha in qafiifinta bandowga aanay ka dhigneyn in la qaado, isagoo tilmaamay in bandowga sababta loo soo rogay aanay aheyn cadaadis iyo caburin siyaasadeed, balse ay tahay arrin keentay cudur saf mar ah, si looga hortago in cudurka ku faafo goobaha bulshada isugu timaado.