Cilmi baare isku dayay helida daawada cudurka Coronavirus oo lagu dilay Mareykanka

Cilmi baare u dhashay dalka Shiinaha oo doonayay inuu helo daawada cudurka Coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Mareykanka.

Cilmi baarahan oo lagu magacaabo Bing Liu ayaa ku taqasusay baaritaanada dhanka daawooyinka, waxaana uu ka tirsanaa Jaamacadda Pittsburgh.

Jaamacadda ayaa sheegtay in cilmi baarahan uu ku dhawaa inuu helo daawada cudurka Coronavirus, hase ahaatee la dilay.

Meydkiisa ayaa laga helay gurigiisa, waxaana la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhintay, booliska ayaa baaraya sababta ka dambeysay dilkiisa.

Bing Liu ayaa da’diisu aheyd 37 jir, waxaana Jaamacadda ay ku cilmi baare heer sare ah oo wax badan sayniska ku soo biiriyay.