Xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo lagu soo rogay xayiraad muddo 15 cisho ah

Xaafada Soomaalida degto ee Islii ayaa lagu soo rogay xayiraad guud inaan la geli karin, lagana bixi karin muddo 15 cisho gudahood.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya oo shir jaraa’id qabtay ayaa amray in wax dhaqaaq soo gelid ama ka bixid aanu ka jiri karin Islii, sababo la xiriira faafitaanka cudurka Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay kiisas badan laga helay.

Sidoo kale waxaa la joojiyay furitaanka goobaha ganacsiga, marka laga reebo dukaamada raashinka lagu iibiyo iyo xarumaha caafimaadka.

Amarka dowladda Kenya ayaa sidoo kale saameyay magaalada Mombasa oo iyana 15 cisho la saaray xayiraad in aan la geli karin ama laga bixi karin

Maalintii shalay ayaa waxaa Xaafada Islii laga helay 29 qof oo qaba cudurka Coronavirus, kaddib baaritaano guri guri ah oo ay dowladdu bilowday.

Xaafada Islii waa xaafadaha ugu mashquulka badan ee uu ku yaala ganacsiga ugu weyn ee bariga Afrika.