Faah faahin: Goolhayihii hore ee xulka Qaran oo caawa lagu dilay degmada Afgooye iyo wararkii u dambeeyay

Goolhayihii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya C/weli Colaad Qanyare (Gaatamow) ayaa caawa lagu dilay degmada Afgooye, isagoo ku jiray masaajid.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo bastoolado ku hubeysan ay toogteen Marxuumka, isagoo dukanayay salaadii taraawiixda, iyagoo markii dambe goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in C/weli Gaatamow uu howlo isboorti ka waday degmada Afgooye, waxaana dhowaan loo magacaabay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta degmada Afgooye.

Allaha u naxariistee Gaatamow waxaa uu horay uga mid ahaa Xulka Qaranka, sidoo kale kooxo kala duwan ayuu u soo ciyaaray, gaar ahaan Kooxdii banaadir Telecom.

Goolhaye Gaatamow ayaa soo saaray ciyaartoy kala duwan, waxaana uu ahaa khabiir dhanka ciyaaraha oo uu ka qeyb qaatay horumarinta ciyaaraha dalka.