Agab Caafimaad oo Shiinaha ku deeqay oo soo gaaray Muqdisho

Diyaarad siday Agab Caafimaad oo Shiinaha ku deeqay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kaasoo loogu tala galay in lagula tacaalo ka hortagga Coronavirus.

Diyaaraddan ayaa siday agabyo ay isugu jireen qalabka baaritaanka caafimaadka, dareeraha gacmaha lagu dhaqo, dharka ilaalinta leh ee ay xirtaan xirfadlayaasha caafimaadka, maaskaraha afka lagu xirto iyo kuwa gacmaha la gishto.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa la wareegtay agabkan caafimaad, iyadoo uga mahadcelisay dowladda Shiinaha garab-istaageeda iyo dadaalka loogu jiro ka hortagga Coronavirus

Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Ganacsadaha u dhashya Shiinaha oo lagu magacaabo Jack Ma iyo labo shixnadood oo dowladda Shiinaha ku deeqday.