Somaliland oo shaacisay kiisaskii ugu badnaa hal maalin oo Coronavirus ah

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in kiisaskii ugu badnaa Coronavirus oo Hal maalin ah la helay, kuwaasoo ah 11 ruux, taasoo muujineyso sida cudurkan si tartiib tartiib ugu faafayo deegaanada Somaliland.

Kiisaska 11 ruux ee laga helay Coronavirus ayaa waxay yihiin dad ku nool deegaano ka tirsan Sanaag, Burco iyo qeybo ka mid magaalada Hargeysa.

Hal kiis oo dhimasho ayaa lagu soo waramayaa in laga diiwaan geliyay Somaliland, waxaana tirada guud ee dhimashada ka dhigeysaa 3 dhimasho.

Sidoo kale tirada guud ee dadka laga helay Cudurkan ayaa gaaraya 23 ruux, waxaana ka bogsatay 3 qof, sida wasaaradda caafimaadka ku soo bandhigtay shaxdeeda.

Cudurka Safmarka ah ee Coronavirus ayaa ku soo kordhaya deegaanada Soomaalida, waxaana dowladda Federaalka ay diiwaan gelisay in ka badan 900 oo kiis guud ahaan dalka oo dhan.