Tirada dadka ugu dhintey Covid-19 Talyaaniga oo kor u dhaaftay soddon kun oo ruux

Dalka Talyaaniga ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee ka tirsan Ururka Midowga Yurub oo diiwaangeliyay in cudurka Coronavirus ay ugu dhinteen dad gaaraya soddon kun oo ruux.

Waxaa maanta oo Jimce ahayd ugu dhintey cudurkan gudaha dalka Talyaaniga 243 ruux taasoo ka dhigtey guud ahaan tirada ugu geeriyootay dalka Talyaaniga 30,201 ruux.

Maalin walba tirada cudurkan laga heli jirey dalka Talyaaniga ayaa hoos ugu soo dhacday 1,327, iyadoo guud ahaan tirada uu cudurkan soo ritey dalka Talyaaniga ay gaarayaan 217,185.

Italy ayaa ah haatan dalka saddexaad ee diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee cudurka Covid-19 ay ugu dhintaan caalamka waxaana ugu sareeya dalka Maraykanka halka dalka UK uu kaalinta labaad ku jiro.

Britain ayaa tirada soddonka kun ka gudubtay Arbacadii aynu ka soo gudubnay halka dalka Spain uu yahay dalka saddexaad ee ugu dhimashada badan cudurkan.

Dowlada Talyaaniga ayaa haatan dabcisay bandowgii lagu soo rogay magaalooyinka wadankaas waxaana haatan dadku ay bilaabeen in wadooyinka ay isugu soo baxaan.