Axmed Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyay is casilaadii Taliyihii Booliska Dhuusamareeb

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga jawaabay is casilaadii Taliyihii Booliska Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed oo xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa sababo la xiriira faragelin iyo in maxaabiis Shabaabnimo ku eedeysneyd oo xabsiga laga sii daayay.

Wasiirka magacaaban Axmed Fiqi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in aan wali la arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqeynayay oo u yaqaan kuwo Al-Shabaab la shaqeeya.

“Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Waxaa uu sheegay in Galmudug ay ku jirto gudcur oo aan wali waaga u baryin, isla markaana gabaabsi sii ah oo gabo gabo ku dhow baaqigii ka haray waqtigii fowdada iyo kooxeysiga, isagoo u maldahayay sarkaalka is casilay inuu ka amar qaato Madaxdii Ahlusuna.

“Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in aysan marnaba dhici doono in Ciidannimada ama darajooyinka ciidanka loo adeegsado in lagu fushado dano ka baxsan kuwii la isku igmaday.