Faah faahin ka soo baxaya Madaafiic lagu weeraray Xarunta Xalane

Faah faahin ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray Xerada Xalane oo saldhig u ah Ciidanka AMISOM, kuna yaallaan Safaaradaha shisheeye iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Hoobiyeyaashan ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayeen illaa Saddex Hoobiye oo gudaha Xalane ku dhacay, sida ilo wareedyo ku sugan Garoonka Aadan Cadde ay sheegayaan

Dhawaqa hoobiyeyaashan ayaa la maqlay waxyar kadib markii la afuray, lamana oga jiho ahaan meesha laga soo tuuray.

Al-Shabaab muddooyinkan dambe waxa ay culeyska saareen inay Madaafiic ku garaacaan Xerada xalane, maadaama fursad kale oo amni daro ay uga gaystaan Muqdisho gudaheeda ay waayeen.

Saraakiisha ammaanka dowladda Federalka wali kama aysan hadlin Madaafiicdaan lagu garaacay Xerada Xalane oo ah Taliska Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Saddexdaan hoobiye ee ku dhacay gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.