Haweeney Talyaani ah oo afduub loogu heystay Somalia oo la sii daayay

Silvia Constanca Romano oo aheyd haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga ka shaqeyneysay Arrimaha Sama falka oo bishii November ee sanadkii 2018 laga soo qafaashay dalka Kenya ayaa la sii daayay.

Haweeneydan oo aheyd 23 jir ayaa lagu heystay gudaha Soomaaliya, kaddib markii dableydii soo qafaalatay ay la soo aadeen Koofurta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conti ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in la sii daayay Silvia Constanca Romano, isagoo u mahadceliyay Hey’adda Sirdoonka dalkiisa.

Ma sheegin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka sii deynta, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in howlgalka lagu soo furtay ay ka qeyb qaateen Sirdoonka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeneyda laga soo furtay meel Muqdisho u jirta 30KM, waxaana weli kala caddeyn xilliga howlgalka dhacay.

Sidoo kale Warbaahinta Talyaaniga ayaa shaacisay in Silvia Constanca Romano ay haatan ku sugan tahay magaalada Muqdisho.

Dabley looga shakisanaa inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la sheegay inay afduub u heysteen haweeneydan oo laga soo qafaashay Gobolka Waqooyi Bari Kenya.