C/kariin Guuleed oo su’aal ka keenay sharciga ay dalka ku joogaan Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn…

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka inay caddeyso sharciga iyo heshiiska ay dalka ku soo galeen Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in warbixinta baaritaanka AMISOM ee diyaaraddii ku burburtay Bardaale ay caddeyneysay inay soo rideen Ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsaneyn kana amar qaadin howlgalka AMISOM.

Mr Guuleed ayaa labo su’aal hordhigay dowladda Federaalka inay ku caddeyso waxaana ka mid ah:-

1. Ciidamadaas Itoobiyaanka ah ee diyaaradda toogashada ku soo riday, sharcigee iyo heshiiskee dalka ku joogaan kuna soo galeen, sharcigase ma la horkeenay, mase laga ansixiyey golayaasha qaranka.

2. Dhibaatadii ay geysteen ciidamadaas Itoobiyaanka ah, xadgudubkii ay madax banaanida hawada dalka ku sameeyeen iyo dadkii Soomaaliyeed ee ay dileen yaa mas’uuliyadeeda qaadanaya.

Gabagabadii dowladda waxaa laga doonayaa inay jawaabo waafi ah ka bixiso arimahaas kor ku xusan, iyo inay xuquuqdii dadkii Soomaaliyeed ee halkaas lagu dilay meel saarto.