Madaxweyne Waare oo xaqiijiyay inay soo gaartay lacagtii dowladda Federaalka iyo Jabuuti ee Fataahadda Beledweyne

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiijiyay inay soo gaartay lacagtii dowladda Federaalka ugu tala gashay gurmadka Fatahaadda Beledweyne.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku shaaciyay inay soo gaartay 500,000 oo dollar ka timid dowladda Federaalka iyo 600,000 oo dollar oo dowladda Jabuuti ku deeqday.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Guddiga Gurmadka fatahaadda Beledweyne uu shaaciyay in aysan soo gaarin lacagtii sanadkii hore dowladda Federaalka ugu deeqday gurmadka Fatahaadda Beledweyne.

Arrintan ayaa sababtay dhaleeceyn loo jeediyay dowladda Federaalka oo ahaa in aanay fulin balanqaadkeedi bishii November ee sanadkii hore, isla markaana lix bilood ka hor lacag ay balanqaaday aysan bixin, halka 24 saac gudahood ay lacag gaareysa hal milyan oo dollar ugu deeqday gurmadka daadadkii ku fatahay magaalada Qardho.