Meydka Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo laga geeyay Kismaayo, laguna aasay

Meydka Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim ayaa maanta la geeyay magaalada Kismaayo, kaddib markii ay diyaarad qaas ah ka qaaday magaalada Muqdisho oo shalay la keenay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, labadiisa Kuxigeen, mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa garoonka diyaaradaha ku sugayay Meydka Marxuum Macalin Maxamed Ibraahim.

Sidoo kale waxaa Diyaarada siday meydka la socday qaar kamid ah eheladiisa iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka ah iyo xubno kale kuwaas oo Magaalada Kismaayo u yimid sidii aaska Wasiirka ay uga qaybgali lahayeen.

Meydka ayaa la geeyay qubuuraha ku yaala duleedka Magaalada Kismaayo, halkaasoo salaada janaasada ah lagu tukaday, iyadoo Saalada ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne kala duwan ah.

Maamulka Jubbaland ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii meydka wasiirka loogu Aasi lahaa loona keeni lahaa Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland, iyadoo maalmo ka hor diyaarad looga soo qaaday dalka Hindiga