Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar oo geeriyooday

Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta C/qani Maxamed Waceys ayaa ku geeriyooday dalka Kuwait, iyadoo uu ahaa Diblomaasi muddo dheer ka soo dhaqeeyay arrimaha dibadda.

Danjire C/qani Waceys ayaa la sheegay inuu la noolaa cudurka sokorowga oo uu xilliyo qaar u xanuunsaday.

Waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa Danjire waayo arag ah oo arrimaha dibadda ka soo shaqeeyay laga soo bilaabo sanadkii 1970, waxaana uu dalal dhowr ah ka soo noqday Safiir, sida dalka Libiya.

Sanadkii hore Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay Danjire C/qani Waceys inuu dalka soo galo, iyadoo xilliyadaas ay jireen is bedel la rabay in safaaradaha lagu sameeyo, balse is bedelkaas ma aanay saameyn.