Shacabka degmada Hodan oo gacanta ku dhigay nin doonayay inuu dilo Sarkaal Boolis

Shacabka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay wiil dhalinyaro ah oo doonayay inuu dilo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, iyadoo uu sarkaalka soo gaaray dhaawac.

Guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun ayaa sheegay in shacabka degmada ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkan dhalinyarada ah, oo watay bastoolad.

Sawirka wiilka dhalinyarada ayaa la soo dhigay baraha bulshada, waxaana qoraal kooban ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ku boggaadisay shacabka, kuna tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo ka qeyb qaadaneysa sugida amniga caasimadda oo ay bulshada u qaadeen.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidamada Amniga ayaa ka daba tagay falal dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeysan, iyadoo lagu guuleystay in raga dilalka geystay in qaarkood in goobta lagu toogto, halka kuwa kalena la qabtay.