RW Kheyre, Saciid Deni iyo Beesha Caalamka oo dhex maray Shirka Muuqaalka tooska

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland.

Shirkan oo ahaa khadka Muuqaalka tooska ee Online Video ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faah faahsan ka bixiyay xaaladda magaalada Qardho oo todobaad ka hor daadad ka dhashay roobab ay ku fataheen, khasaare naf iyo maal ay sababeen, isagoo tilmaamay nuuca kaalmada degdegta ah ee hadda loo baahan yahay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale in wadajir loo wajaho, isagoo ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho, si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah, isagoosidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool Qardho xilligii ay daadadku ku soo rogmadeen.