Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo sheegay inuu ku dhacay Coronavirus

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Puntland C/llaahi Cabdi Xirsi ayaa sheegay inuu ku dhacay cudurka saf mareenka ah Coronavirus.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu ku sheegay inuu ku dhacay Covid-19, isagoo tilmaamay in xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan oo uu karantiil ku jiro.

“Waxaa igu dhacay Covid19 waana ladanahay hadda, Qandho iyo wareer baa iigu darnaa maalmihii lasoo dhaafay, Waxaan isku xanibay guriga, cidna isma aragno, meelna uma baxo, si aanan dad kale u qaadsiin, waxaan xanibnaan doonaa muddo 14 beri ah” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka in qofkii uu ku dhaco cudurkan inuu is karantiilo oo uusan faafin xanuunka ama dad kale uusan qaadsiin.

“Waxaan soo jeedin lahaa in qofkii xanuunsada uusan gurigiisa dhaafin, Hadii qofkaas Covid-19 ku dhacay caafimaad dareemayo, waxaa jira dad waayeel ah iyo dad xanuuno kale qabay oo aan u adkaysan karin Covid19” ayuu yiri Wasiir C/llaahi Cabdi Xirsi.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Puntland laga diiwaan geliyay kiisas dhowr ah oo Covid-19, waxaana la sheegay inuu ku dhacay dad isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin.