Waare oo ka qeyb galay kulanka dhinaca Internet-ka uu soo qaban qaabiyay UN-ka

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb galay kulan muuqaal ah oo dhinaca Internet-ka, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Qaramada Midoobey, iyadoo xubnaha Beesha Caalamka ay qeyb ka ahaayeen.

Kulankan ayaa looga hadlay caqabadaha cudurka Covid-19, qorsheynta hannaanka doorasho, Amniga, siyaasadda, xoriyadda saxaafadda.

Barta Internet-ka Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa lagu soo qoray waxyaabaha kulanka ku saabsanaa, waxaana kulankan qeyb ka yahay kulamo taxane ah oo qadka Internetka oo Qaramada Midoobey soo agaasintay oo lala yeelanayay Madaxda Soomaalida.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu goor dhow u soo gabagaboobay shirka dhanka muuqaalka uu la yeeshay AMISOM, Safiirada Itoobiya, Midowga Yurub, Talyaaniga, IGAD, Jarmalka, Sweden, UK, UN iyo USA, kaasoo ku saabsanaa daadadka cudurka Covid-19, Amniga, saaxada Siyaasadda Xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, doorashooyinka iyo qodobo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Beledweyne, halkaasoo ay ka jiraan xaaladaha fatahaada wabiga Shabelle iyo dadaalo looga hortagayo.