Soomaaliya oo ku dhawaaqday xilliga la bilaabayo bixinta shatiga balookyada saliidda

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga la bilaabayo bixinta shatiga baloogyada Saliidda laga baarayo Soomaaliya, kaddib war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in 4-ta bisha Agosto la bilaabayo tartanka Shirkadaha u hanqaltaagaya fursadaas, isla markaana la soo gabagabeyn doono bisha Maarso ee sanadka 2021.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in tartankaas lagu soo bandhigi doono illaa todobo balook oo ay horay dowladda Soomaaliya u baartay sanadihii 2014 illaa 2015.

Todobada baloog ee la bixin doono bisha Agosto ee socota ayaa waxay ku yaallaan afarta maamul goboleed sida Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana ala yihiin:-

Galmudug 152 and 153
HirShabelle 164 and 165
Koofur Galbeed 177 iyo 178
Jubaland 204

Maamul Goboleedyada ayaa horay uga soo horjeestay sharcigan, iyagoo ku tilmaamay mid aan lagu heshiin oo ay ka muuqato daldaloolo, inkastoo Shirkii ka dhacay sanadkii 2018 ee dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu heshiiyay qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka.