Faah Faahin ka soo baxaya dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaal u dhaxeeyay Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM ayaa ka dhacay deegaanka Nambar 60 ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Nambar 60, waxaa la sheegay in dagaalka uu qaatay ku dhowaad saacad.

Dagaalka ayaa la isu adeegsaday hub culus, waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac, iyadoo ciidanka AMISOM ay si xooggan isku difaaceen iskana caabiyeen weerarkii uga yimid Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM iyo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaana dagaalkan ku soo aadayaa, iyadoo Taliska Ciidanka Xoogga dalka uu shaaciyay in howlgal laga fuliyay inta u dhaxeysa Janaale iyo degmada Qoryooley lagu dilay xubno ka tirsna Al-Shabaab.