In ka badan 100 qurbajoogta Soomaalida ee shaqada u joogtay Muqdisho oo la daad-gureeyay

Illaa 153 qof oo Soomaali qurbajoog ah oo Muqdisho u joogay howlo shaqo ayaa galabta loo daad-gureeyay dalalka ay dhalashadooda heystaan, kaddib markii diyaaradda Ethiopian Airlines ay qaaday.

Qurbjoogtan ayaa isugu jira kuwa Xafiisyada dowladda La Taliyeyaal ah, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana ay heystaan baasaboorada dalalka Yurub, Mareykanka, UK iyo Canada.

Xubnaha la daad-gureeyay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed Kheyr oo heystay dhalashada dalka Canada.

Soomaalida qurbajoogta ah ayaa muddo 14 maalmood ah oo karaantiil ah la marin doonaa ama laga dalban doono inay is-karantiilaan, marka ay ku laabtan dalalkoodii.

Safaaradaha reer galbeedka ee fadhigooda yahay Muqdisho ayaa muddo diyaarinayay sidii dadkan loogu heli lahaa qaab looga saaro dalka Soomaaliya, waxaana xiriiro la soo sameeyay safaaradaha.